Shuruudaha & Xeerarka

Danab Battery Rental Service

1Wakhtiga Kirada

Battery-ga waxaad kireysan kartaa muddo 1 saac ama 2 saac. Haddii aadan soo celin mudadaas, waxaa lagu dalaci doonaa lacag dheeraad ah.

2Daryeelka Battery-ga

Waa inaad si fiican u daryeeshaa battery-ga. Haddii uu dhaawac gaaro ama uu lumo, waxaad masuul ka tahay qiimaha buuxa ee battery-ga ($20).

3Soo Celinta

Battery-ga waa inaad soo celisaa goobta aad ka qaadatay ama goob kale oo Danab ah. Haddii aadan soo celin 24 saac gudahood, numberkaaga waa la xiri doonaa oo waxaad bixin doontaa qiimaha buuxa.

4Lacag Bixinta

Lacagta waxaa laga jari doonaa numberka aad gelisay. Hubi in lacag ku filan ay ku jirto accountigaaga ka hor intaadan bixin. Lacagta la bixiyay dib looma celiyo.

5Isticmaalka Saxda ah

Battery-ga waxa loo isticmaalaa telefoonka kaliya. Ha u isticmaalin qalab kale sida laptop-yo ama qalab awood weyn u baahan. Ha ku dhejin biyo ama meel kulul.

6Xadidaadda Kirada

Hal qof wuxuu kireysan karaa hal battery kaliya. Ma kireysn kartid mid cusub ilaa aad soo celiso midka aad haysato.

7Blacklist / Xirida

Haddii aad ku guuldareysato inaad soo celiso battery-ga, numberkaaga waxaa lagu dari doonaa liiska xidhan. Kadib ma awoodi doontid inaad isticmaasho adeegga ilaa aad bixiso lacagta.

8Xiriirka Macaamiisha

Haddii aad qabto wax su'aal ah, waxaad nagala soo xiriiri kartaa numberka: +252 616586503 / 616251068

Marka aad isticmaasho adeegga Danab, waxaad aqbashay dhammaan shuruudahan.